Shabaab oo ka hadlay Qaraxii Wadajir

Muqdisho-RisaalaFM- Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyada weerarkii Qaraxa loo adeegsaday oo duhurnimadii maanta ka dhacay afaafka hore ee xarunta degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

War Shabaab ay ku soo qoreen baraha baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayay ku sheegteen masuuliyada Qaraxan, kaasi oo loo adeegsaday Gaari Caasi ah oo lagu soo raray Khudaar, laguna soo dhexqariyay waxyaabaha Qarxa.

Shabaabka waxa ay sheegeen Gaariga Qarxay in uu kaxeynayay nin naftiis hure ah, iyaga oo sidoo kale sheegay xilliga uu Qaraxa dhacayay in xarunta degmada ay ku shirayeen masuuliyiinta degmadaasi.

In ka badan 10 Qof  ayaa ku dhimatay Qaraxan, halka sidoo kale ay ku dhaawacmeen 9 Qof oo shacab ah, sida uu warbaahinta u sheegay Afhayeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya (Axmed Carab).

Dadka Qaraxan ku dhaawacmay waxaa ka mid ah Guddoomiyaha degmada Wadajir Cumar C/laahi Xasan, Guddoomiyaha ururka Haweenka degmada, Xoghayaha degmadaasi Sharmaarke Cadow, Madaxa Ciyaaraha degmada Wadajir Maxamed Catoosh.

Dowladda Federaalka ayaa maalmahan waday qorshe lagu xaqiijinayo amniga, waxaana Qaraxan uu ku soo aadayaa xilli Dowladda ay xirtay jidcadayaasha soo gala laamiyada, taasi oo ay sheegtay in ay uga gol leedahay sugidda amniga.