Shaxda uu tababare Zinedine Zidane kusoo geli doono finalka UCL

Shabakadda Marca ee dalka Spain ayaa soo heshay shaxda ay macquulka tahay inuu tababare Zinedine Zidane garoonka kusoo galo ciyaarta finalka koobka UEFA Champions League ee ay caawa kooxdiisu wajaheyso Juventus.

Waxaa la yaab leh inay Marca daaha ka qaaday in Gareth Bale uu keydka kusoo bilaaban doono finalka ka dhacaya magaalada uu ku dhashay ee Cardiff, iyadoo kooxdiisa Los Blancos ay isha ku heyso inay noqoto kooxdii ugu horreysay ee difaacata koobka UCL.

Bedelka Bale iyo booskiisaba waxaa qaadan doona kubadsameeyaha reer Spain ee qaab ciyaareedka sarre ku jira Isco, iyadoo tababaraha reer France Zinedine Zidane uu doonayo inuu noqdo tababarihii ugu horreeyey ee difaacda koobka Champions League tan iyo markii magacaan loo bixiyey.

Haddii aysan wax dhaawacyo ay soo gaarin ciyaartoyda Real Madrid illaa daqiiqadaha ugu dambeeya, majaladda Marca waxay aaminsan tahay inuu tababare Zinedine Zidane kusoo geli doono shaxdaan:

SAFKA KOOWAAD EE REAL MADRID: Keylor; Carvajal, Ramos, Varane, Marcelo; Casemiro, Kroos, Modric, Isco; Cristiano Ronaldo iyo Benzema.