DHAGEYSO: Weerar 14 tuulo lagu gubay oo ka dhacay Shabeelaha Hoose

Warar dheeraad ah ayaa soo baxaya Dagaal Ciidamada Dowladda Federaalka iyo Al-shabaab ku dhexmaray xalay  Degaano ka tirsan Shabeelaha Hoose.

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii Shabaabka ay weerar ku qaadeen fariisimo Ciidanka Dowladda Federaalka ay ku leeyihiin Degaanada Laanta Buuro iyo sidoo kale Lambar 50 oo ka tirsan Shabeelaha Hoose, sida ay sheegeen Saraakiisha Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Dagaalka xoogiisa ayaa ka dhacay degaanka lagu magacaabo Number 50, waxaana la isku adeegsaday Hubka nuucyadiisa kala duwan.

Gudoomiyaha degaanka lambar 50 Cabdulaahi Waafow oo la hadlay idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa ku eedeeyay Al-Shabaab in ay gubeen 14 tuulo oo ku yaalla gobolka Shabeelaha Hoose.

Cabdulaahi Waafow ayaa sidoo kale waxaa uu tilmaamay in Al-Shabaab ay sidoo kale xalay Weeraro ku soo qaadeen tuulooyin ay degan yihiin dad shacab ah ,islamarkaana ay Afduubteen in ka badan 40 qof.

Mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed ayuu ku eedeeyay in ay ka gaabiyeen difaacida dadka kunool degaanada Hoos yimaada degaanka Lamabar 50.

Xaaladda degaanadii lagu dagaalamay ayaa Saaka degan.

Al-Shabaab ayaa inta badan Weeraro kala duwan kusoo qaada saldhigyadda Ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin gobolka Shabeelaha Hoose.