Wararka naga soo gaaraya Xeebaha Magaalo xeebeedka Gobolka Mudug ee Hobyo ayaa waxa ay sheegayaan in Sactar Siday Qalab dhisme uu xalay ku degay xeebaha degmadaasi.
Sactarka ayaa ka baxay Magaalada Muqdisho xalay waxaana uu kusii jeeday Xeebaha Magaalada Hobyo.
Sida ay Risaala u sheegeen ilo lagu kalsoon yahay Sactarkaan ayaa waxaa uu siday Qalab dhisme oo loogu tala galay Wadada u dhaxeysa Hobyo iyo Gaalkacyo.
Ciidamada Badda Galmudug ayaa waxa ay la sheegeen in ay soo badbaadiyeen dadkii Saarnaa Sactarkaasi.
Waxii kusoo kordha kala soco Risaala.net



