DHAGEYSO: Somaliland oo ka hadashay shirka London

Hargeysa-RisaalaFM- Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inaanay khuseyn shirka lagaga hadlayo arrimaha Soomaalida ee la filayo in uu ka dhaco dalka Ingiriiska.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Dr.Sacad Cali Shire oo VOA u waramay, ayaa sheegay in shirkaasi gaar u yahay Soomaaliya, isla markaana aanay Dowladda Ingiriisku ku martiqaadin iyaga.

Waxa uu sheegay Maamulka Somaliland in uusan ka qeyb geli doonin shirka ka dhacaya Magaalada London ee dalka Ingiriiska, basle ay soo dhaweynayaan Nabada Soomaaliya.

Ajandayaasha Shirka London looga hadli doono ayaa kala ah Arrimaha Amaniga, Kobcinta dhaqaalaha, Siyaasada, Dib u eegista Dastuurka iyo Wadashaqaynta Beesha Caalamka iyo Dowladda 4-ta Sano ee soo socota.

Shirka ayaa dhici doona maalmaha Arbacada iyo Khamiista oo ku beegan 10-ka ilaa 11-ka bishan, waxaana haatan London ka socda shirar la xiriira qaban qaabada shirka.