DHAGEYSO: Guddoomiyaha Kaxda oo baaq u diray Madaxda dalka

Muqdisho-RisaalaFM- Maamulka Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay ka dalbadeen in ay wax u qabtaan dadka ku soo barakacay Degmadaasi.

Guddoomiyaha Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir Maxamed Ismaaciil oo la hadlay Risaala ayaa Madaxda Dowladda ka dabaday in ay ay wax u qabtaan shacabka ku soo barakacay Degmada Kaxda, kuwaasi oo ka soo barakacay Gobolada dalka.

Waxa uu sheegay muhiim in ay tahay in gar gaar lala soo gaaro dadka ku dhibaateysan Degmada Kaxda, kuwaasi oo isugu darsamay cuduro kala duwan.