DHAGEYSO WAREYSI: Warar ku saabsan Wadahadalada Galmudug iyo Ahlusunna u furmaya

Qaar ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay wadahadalada Ahlusunna iyo sidoo kale Galmudug lagu wadaa in ay uga furmaan Magaalada Muqdisho.

Siyaasiga Cali Maxamuud Faarax oo la hadlay Risaala ayaa sheegay in ay muhiim tahay in labada dhinac ay muujiyaan tanaasul.

Sidoo kale waxaa tilmaamay in Galmudug iyo Ahlusunna ay muhiim tahay in ay midoobaan labada gobol ayna yeeshaan hal maamul.

Cali Maxamuud Faarax ayaa sidoo kale xusay in muhiimada koowaad ay tahay in  dadka degan gobolada Dhexe in ay isku raacaan maamulka Galmudug.

Dhawaan waxaa lagu wadda in Magaalada Muqdisho  uu ka furmo wadahadal u dhaxeeya maamulada Galmudug iyo Ahlusunna.