Gaalkacyo-RisaalaFM- Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta waxa ay dib ugu laabteen Magaalada Gaalkacyo, kadib shir ay uga qeyb galeen Magaalada Muqdisho.
Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha C/laahi Yuusuf ee Magaalada Gaalkacyo ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Gobolka, kan Degmada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
C/wali Maxamed Cali (Gaas) Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa Magaalada Muqdisho uga qeyb galay shir ay qeyb ka ahaayeen Madaxda Dowladda iyo Madaxda Maamul Goboleedyada, kaasi oo diirada lagu saaray dhismaha Ciidan Qaran iyo sidii loo wajahi lahaa shirka Bisha soo socota ka furmaya Magaalada London.
Madaxweyne Gaas ayaa warbaahinta u faah faahiyay safarka uu ku tagay Magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in guul uu ku soo dhamaaday.



