DHAGEYSO: Booliska Baydhabo oo digniin siiyay shacabka

Taliska Booliska Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay, ayaa digniin u diray dadka shacabka ah ee halkaasi ku nool, waxaana ay uga digeen qaraxyo suuragal ay tahay Shabaab inay la beegsadaan goobaha rayidka ay joogaan.

Mahad C/raxmaan Aadan Taliyaha ciidamada Booliska Koonfur Galbeed oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Baydhabo ayaa sheegay inay heleen xogo ku saabsan isku dayo Shabaab ay doonayaan inay ku qarxiyaan Bulshada Somaliyed.

Wuxuu sheegay Mahad C/raxmaan Shabaab inay doonayaan gaadiid qaraxyo ka buuxaan inay ku laayaan umadda, iyaga oo qorshahooda uu yahay inay dhigaan gaadiidkaasi xarumaha dadka rayidka ay isugu yimaadaan, sida maqaayadaha iyo goobaha kale ee dadka ay fariistaan.

Bulshada Magaalada Baydhabo ayaa wuxuu kaga digay inaysan fariisan goobaha maqaayadaha ah iyo hareerada laamiga, waxaana Booliska ay mamnuuceen in gaadiid la dhigto hareeraha wadooyinka.