Pakistan oo gidaar ka bilowday xuduudda Afghanistan

Taliyaha ciidanka Pakistan, Jenaraal Qamar Javed Bajwa, ayaa sheegay in dhismaha ay ka billaabeen deegaannada qabaa’ilka, gaar ahaan degmooyinka Mohmand iyo Bajaur, kuwaasoo uu sheegay in ay u nugul yihiin weerarrada ay mintidiinta kasoo qaadaan gudaha Afghanistan.

Waa markii ugu horeysay ee ay Pakistan xaqiijiso in ay bilowday dhismaha gidaarka muranka dhaliyay ee soohdinta ay la wadaagto Afghanistan.

Dhismaha gidaarkaasi iyo ilaalintiisa ayaa la filayaa in aanay fududaan doonin.

Soohdinta labadaasi dal ayaa dheerarkeedu dhan yahay 2,500 oo kilo mitir, waxaana ku teedsan dhul buuraley u badan oo eero go’an ah.

Pakistan ayaa bilihii dambe waxay wajahaysay weerarro ay fuliyeen kooxo mintidiin ah, waxaana ay Afghanistan ku eedaysay in ay gabbaad siiyay kuwa ka dambeeyay weerarradaasi.