Wararka naga soo gaaraya Magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah ee maamulka Galmudug ayaa waxa ay sheegayaan in xildhibaan ka tirsan baarlamaanka maamulka Galmudug in uu ka badbaaday Qarax la dhigay gurigiisa hortiisa.
Qaraxa ayaa ahaa Miino sida uu kusoo Waramaayo Wariyaha Risaala ee Galmudug.
Guriga qarax la dhigay ayaa ku yaalla xaafad lagu magacaabo Waaberi oo ka tirsan magaalada Cadaado, waxaana xildhibaanka guriga daganaa lagu magacaabaa Xildhibaan Cabdullaahi Cumar Maxamuud oo ku magac dheer Gurey Geesey.
Ciidanka NISA ayaa ka hortagay Qaraxaasi inta uusan Qarxin, waxaana u suurtagashay in ay furfuraan Qaraxaasi oo xalay la dhigay Guri xildhibaanka.


