DHAGEYSO: Deeq lagu wareejiyay Guddiga Abaaraha G/Banaadir

Muqdisho-RisaalaFM- Guddiga Gurmadka Abaaraha ee Gobolka Banaadir ayaa Waxaa Maanta lagu Wareejiyay deeq raashiin ah oo loogu tala galay in la gaarsiiyo dadka ku soo Barakacay Gobolka Banaadir ee ka soo Cararay Abaaraha ka jira gobolada Dalka.

Deeqdaan raashiinka ah ayaa waxaa iska soo aruuriyay Guddiga Xubnaha Iskaashatada Gaadidleyda Gobolka Banaadir.

Daahir Maxamuud Diirshe oo ka mid ah Xubnaha Guddiga  Iskaashatada gaadidleyda Gobolka Banaadir ayaa Guddoomiyaha Guddiga Gurmadka Abaaraha ee Gobolka Banaadir ku wareejiyay deeqdaan raashiinka ah.

Goobta lagu Wareejinaayay deeqdaan ayaa waxa Goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Masuuliyiin kale.

Daahir Maxamuud Diirshe ayaa Warbaahinta ugu warbixiyay deeqdan ay Maanta ku wareejiyeen Guddiga Gurmadka Abaaraha ee Gobolka Banaadir.

Qeybo ka mid ah Gobolka Banaadir iyo duleedkiisa ayaa waxaa ku soo Barakacay qoysas fara badan kuwaasi oo ka soo Barakacay abaarta ka jirta gobolada Dalka.