DHAGEYSO:- Gudoomiyaha Gobolka “ Baarlamaanka waxaan ka rabnaa inuu cadeeyo maqaamka Muqdisho”..

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa Baarlamaanka Soomaaliya ka dalbaday  inuu cadeeyo kaalinta ay Muqdisho ku yeelaneyso Nidaamka Federaalka iyo Maqaamkeeda.

Waxa uu sheegay in loo baahan yahay in Baarlamaanka ay Cadeeyaan Maqaamka ay yeelaneyso Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, waxaana uu Baarlamaanka ugu baaqay in ay Deg Deg u soo saaraan Sharuuc Cadeyneysa Maqaamka ay Federaalka ku leedahay Muqdisho.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in Gobolka Banaadir uu ka mid yahay 18 Gobol ee Soomaaliya,loona baahan yahay in ay Xaquuq helaan dadka ku nool Muqdisho oo Dhowr Malyan gaaraya.