DHAGEYSO WARBIXIN:- Waqtiga u haray Baarlamaanka iyo Shaqooyinka hor yaalla

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxa uu hada ku jiraa Fasax Muddo bil ah iyadoo ay hor yaalaan shaqooyin muhiim u ah Dalka.

Shaqooyinka ugu weyn ee Baarlamaanka hor yaalla ayaa waxaa ka mid ah isbadalka Siyaasadeed ee dalka ka dhacayo iyo Baarlamaanka hada shaqeeyo Baarlamaankii Badali lahaa.

Sidoo kale Waxaa Baarlamaanka Soomaaliya hor yaalla ansixinta dhowr Hindise sharciyeed oo ay ka mid yihiin Sharciga Axsaabta iyo Garsoorka.

Xildhibaan maxamed Amiin Xasan Cabdullaahi ayaa waxaa weydiiyay sida ay ku suurto geli karto waqtiga yar e u haray baarlamaanka iyo shaqooyinka hor yaalla.

Sidoo kale Xildhibaanada Baarlamaanka qaarkood ayaa aamisan in howsha ugu adag e iminka hor yaalla Baarlamaanka lagu dhameyn karo Kalfadhiga 8 ee soo socda.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow ayaa sheegay in ay ku dadaalayaan dhameystirka howlaha hor yaalla Baarlamaanka inta aysan qaban karina ay dhameystiri doonaan Baarlamaanka 10 oo ah Baarlamaanka kan ku xiga.

Siyaasiyiinta Soomaaliyeed oo qaarkood la hadlay Warbaahinta ayaa Baarlamaanka ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan dhameystirka howlaha ugu adag e hor yaalla Baarlamaanka.

C/raxmaan Macalin C/llaahi “ Baadiyoow” oo ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliya ayaa sheegay in ay muhiim tahay in Baarlamaanka ay ku mashquulaan sidii ay u qaban lahaayeen howlaha la xiriira doorashada dalka.

Sida uu qabo qodob ka mid ah Dastuurka Dalka iyo Xeer Hoosaadka Baarlamaanka ayaa sheegaya in Baarlamaanka uu shaqeeyo 4 Bil, labo Bilna uu qaato Fasax deegaan iyo Xog Wareysi deegaanada ay ka soo jeedaan.

Xildhibaanada Maxamed Amiin Xasan Cabdullaahi ayaa mar kale weydiiyay fasax ay ku maqan yihiin inuu saameyn ku yeelanayo howlaha hor yaalla ee Baarlamaanka.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa dhankooda walaac ka muujiyay howlaha hor yaalla Baarlamaanka iyo surta galnimada iney dhameystiraan howlahaasi.

Siyaasi C/raxmaan Baadiyoow ayaa shacabka ugu baaqay in ay isdajiyaan oo aysan niyada jabin isla markaana ay tashadaan si Dalka ay ugu dhacdo Doorasho lagu wada qanacsan yahay.