Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa maanta Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dhaariyay Golaha Wasiirada ee Maamulka Hirshabeelle, kadib markii dhowaan ay meel mariyeen Baarlamaanka Maamulkaasi.
Munaasabadan oo ka dhacday xarunta Baarlamaanka Maamulkaasi ayaa waxaa goob joog ka ahaa Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo xubno kale.
Golaha Wasiirada ee maanta la dhaariyay ayaa waxa ay tiro ahaan gaarayaan 52, kuwaasi oo isugu jira Wasiiro, Wariiro ku xigeeno iyo Wasiiru Dowlayaal, sida uu sheegay Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle.
Anisixinta Golaha Wasiirada Hirshabeelle ayaa Xildhibaanada qaar ee Maamulkaasi waxa ay ku sheegeen in ay ahayd sharci darro kadib markii ay ku andacoodeen in ajandaha lagu soo daray ansixinta oo aanay ka mid aheyn.
Sheekh Cusmaan Barre Maxamed Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle ayaa kulankan ka shaagay maalinkaas in 70 Xildhibaan ay u codeeyeen Wasiirada cusub sidaasna ansax ku yihiin.
Dhanka kale Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble, ayaa sheegay hadafka guud ee xukuumadda in ay tahay Abuurista dhammaan qeybaha kala duwan ee waxbarsahada.
Qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamaaka Maamulka Hirshabeelle ayaa Madaxweyne Cosoble horey ugu dhaliilay qaabka uu u soo xulay Golaha Wasiirada, iyadoo weli uu jiro khilaaf ku aadan arrintaasi.


