DHAGEYSO: Ra’iisul Wasaaraha oo wada wadatashi ku aadan magacaabista Golaha Wasiirada

Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Magaalada Muqdisho waxaa uu ka wadaa kulamo kala duwan oo uu la yeelanaayo qeybaha kala ee Bulshada kuna aadan soo magacaabista golaha Wasiirada dowladda Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho ayaa Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya waxaa uu kula kulmaya waxgaradka beelaha iyo sidoo kale siyaasiyiin kala duwan.

Sidoo kale Magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo gaaray Siyaasiyiin kala duwan oo doonaya in ay hantaan xilka Wasiirnimo.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa Magaalada Muqdisho waxaa laga dareemayay guuxa Siyaasiyiinta doonaya in ay ka qeyb noqdaan Wasiirada cusub ee Ra’iisulwasaaraha Kheyre.

Maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa in lagu dhawaaqo golaha Wasiirada dowladda Soomaaliya.