DHAGEYSO: Xaalad adag oo ka jirta Xudur

Bakool-RisaalaFM- Degmada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool ayaa waxa ay ka mid tahay Degmooyinka Go’doonka u saaran Shabaab, waxaa xiran wadooyinkii soo galayay iyo kuwii ka baxayay.

Abaarta ka jirta Degaanada Koonfur Galbeed ayaa saameysay, waxaana sii yaraanaya Biyihii laga helayay Ceelasha, dadka halkaasi ku nool ma heystaan cunto ku filan oo ay ku noolaadaan.

Guddoomiyaha Degmada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool Maxamed Macalin Axmed oo la hadlay Risaala ayaa sheegay xaalad adag in ay ka jirto Degmada Xudur, sidoo kalena aysan heysan waxyaabaha Quutul daruuriga.

Warbixinta Warkan waxaa Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bakool ka soo diray Wariyaha Risaala ee Degaanada Koonfur Galbeed Siid Cali Muuse Maxamed (Ateera).