Wararka cayaaraha maanta

Manchester City ayaa qorsheyneysa inay daafaca Everton ee 21-sano jirka ah John Stones iyo Athletic Bilbao daafaceeda Aymeric Laporte, oo 21 jir ah, labadaba ay la saxixdaan  (Sun)

Agaasimayaasha Newcastle United ayaa doonaya in la eryo tababare Steve McClaren -. Waxaa shaqadaan u sharaxan David Moyes iyo Rafael Benitez (Guardian)

Tababarihii hore ee England McClaren ayaa u sheegay guddiga Magpies inuu doonayo inuu ka tagao kooxda kadob 10,. guuldaro oo xiriir aheyd (Evening Chronicle)

Barcelona ayaa ka fikireysa inay dalab u dirto 25-sano jirka garabka Algerian iyo Leicester Riyad Mahrez. (Don Balon – Spanish)

Manchester United ayaa isku diyaarineysa inay u dhaqaaqdo daafaca kooxda Bayer Leverkusen 26-sano jirka Omer Toprak. (Kicker – in German)

Ciyaaryahankii hore ee Arsenal Patrick Vieira ayaa ku guuleystay kulankiisii ugu horeyay isagoo tababare kooxda koowaad ah, markii New York City ay 4-3 guul marti ah ka gaartay Chicago Fire. (MLS)

Daafaca Chelsea John Terry ayaa seegi doona kulanka arbacada ee Champions League wareega 16ka lugta labaad ee Paris St-Germain sababo la xiriira dhaawac muruqa ah. (Daily Mirror)

Weeraryahanka kooxda Paris St-Germain Edinson Cavani, oo 29 jir ah, waxa uu noqon doonaa saxiixa ugu horeeya ee Chelsea hadii Antonio Conte shaqada la wareego (Daily Mail)