DEG DEG: Qarax Gaari oo ka dhacay Muqdisho

Muqdisho-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay Qarax khasaare geystay.

Qaraxan oo loo adeegsaday Gaari walxaha Qarxa laga soo buuxiyay ayaa ka dhacay Maqaaxi ku taalla Isgoyska kaawo Godey ee Degmada Wadajir.

Xilliga uu Qaraxa dhacayay ayaa waxa ay aheyd goobta mid mashquul badan, maadaama Maqaaxida ay ku sugnaayeen dad badan, sidoo kalena Isgoyska Kaawo Godey lagu iibiyo Jaad.

Goobjooge ayaa Risaala u sheegay in Qaraxan ay ku dhinteen, dad ka badan 10 Qof, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen tiro ka badan, waxaana goobta gaaray Gaadiidka Ambalaasta.