Dagaal culus oo ka socda degaanka Camaara

Wararka naga soo gaaraya degaanka Camaara ee gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaal xooggan oo u dhaxeya ciidanka dowladda Soomaaliya ,kuwa Galmudug iyo Al-Shabaab uu ka socdo duleedka degaanka Camaara.

Dagaalka ayaa yimid ka dib markii ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa Galmudug ay weerar xooggan ay ku qaadeen goobo ay joogeen dagaalyahanada ururka Al-Shabaab.

Shalay ayaa dagaal ka dhacay degaanka Ceelcabdi waxaa ku dhintay ku dhawaad 10.

Ciidamada dowlad goboleedka Galmudug oo taageero ka helaya ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa doonaya in ay Al-Shabaab ay kala wareegaan degmada Xarardheere.