Khasaare ka dhashay Qarax ka dhacay Kismaayo

Kismaayo-RisaalaFM- Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa Qarax khasaare geystay oo ka dhacay Maqaaxi ku taalla degaanka Goob-weyn ee Duleedka Magaalada Kismaayo.

Qaraxa nuuciisa ayaa waxa uu ahaa Miinada dhulka lagu Aaso, sida ay Idaacadda Risaala u sheegeen Dadka Degaanka.

Sida ay inoo xaqiijiyeen Dad Goobjoogayaal ah Qaraxan ayaa waxa uu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, maadaama goobta ay aheyd mid dad badan ay joogeen xilliga uu Qaraxa dhacayay.

Goobjoogayaasha ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen xilliga uu Qaraxa dhacayay in goobta ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan Maamulka Jubbaland, inkastoo saraakiisha Jubbaland aysan faah faahin dheeraad ah ka bixin Qaraxan.

War Shabaabka ay ku soo qoreen baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayay ku sheegteen Mas’uuliyada weerarkan, waxaana sidoo kale ay sheegeen in ay dileen Askar ka tirsan Ciidanka Jubbaland, inkastoo Maamullka Jubbaland arrintan uusan wax jawaab ah ka bixin.