Hogaamiye Caan ah oo Geeriyooday

Hogaamiye mucaarad oo caan ka ahaa Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo, Etienne Tshisekedi, ayaa geeriyooday asagoo 84 jir ah.

Xisbiga uu wax ka asaasay ee UDPS ayaa sheegay in todobaadkii tegay uu u duulay dalka Belgium, si baaritaan caafimaad loogu sameeyo.

Mr Tshisekedi ayaa jagooyin sar sare kasoo qabtay dalkiisa tan iyo markii uu xornimadda qaatay 1960-kii, waxaana uu mar noqday ra’iisul wasaare.

Waxa ay is qabteen madaxweynihii keligii taliska ahaa ee Mobutu Sese Seko, asagoo mucaarad noqday sideetamaadkii.

Waxaa xiray, ka dibna dalka ka cayriyay madaxweynihii hore Laurent Kabila.

Mr Tshisekedi ayaa si weyn u dhaliilsanaa madaxweynaha hadda u taliya Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo, Joseph Kabila.

Geeridiisa ayaa kusoo beegmeysa xilli muhiim u ah dalkaasi, ka dib markii ay mucaaradka iyo dowladda ku heshiiyeen in ay awoodda qeybsadaan.