Guddiga Doorashada Madaxweynaha oo lagu eedeeyay in ay taageereen Musharax

Golaha Musharaxiinta u taagan Xilka Madaxtinimada Soomaaliya ayaa ku eedeeyay in Gudoomiye ku xigeenka Guddiga Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil fartaag in uu ku dhaqaaqay fal ka baxsan shaqadii loo igmaday.

Waxaa ay sheegeen in uu si cad u taageeray mid ka mid ah Musharaxiinta u taagan Xilka Madaxtinimada Soomaaliya ,islamarkaana uu u sheegay in uu taageersan yahay oo codkooda ay siin doonaan.

Waxaa ay sheegeen in Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil fartaag uusan dhex dhexaad uusan  u aheyn Musharaxiinta , islamarkaana uu yahay nin olole u wada mid ka mid ah Musharaxiinta u taagan qabashada Xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

“ Waxaan rabnaa inaan idiin sheekno in Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag uu lumiyay dhexdhexaadnimadii Guddiga Doorashada Madaxweynaha , islamarkaana uu si bareer ah u taageeray Musharax” Sidaasi waxaa yiri  Ridwaan Xirsi Maxamed oo ah Afhayeenka Musharaxiinta.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa soo baxayay Khilaaf u dhaxeeya Guddiga Doorashada Madaxweynaha iyo Musharaxiinta u taagan Xilka Madaxweynaha Soomaaliya.