Fiidnimada xalay ayaa waxaa si rasmi ah loo soo geba gebeeyay kulan ay albaabadu u xirnaayeen oo Xildhibaannada Baarlamaanka su’aallo ku saabsan ammaanka dalka ku weeydiinayeen Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo ay wehliyeen xubno ka tirsan golaha wasiirrada iyo taliyeyaasha ciidammada qalabka sida ee Soomaaliya qaarkood.
Kulanka baarlamaanka ayaa daba socday kulan ay maalinnimadii shalay sidan oo kale Xildhibaanadu su’aallo weeydiin ka harsaneed ilaaa 20 Xildhibaan oo aan shalay su’aallo la weydiin.
Su’aaha inta badana la weydiinayay Ra ‘iisul Wasaaraha dalka ayaa ku qotontay amaanka dalka iyo sidii is badal loogu sameen lahaa qaar kamid ah xildhibanada barlamanka Soomaaliya ay talooyin uso jeediyeen Ra’ iisul Wassaraha iyo qaar kamid ah saraakiisha dhinaca amniga ah ee ku sugnaa kulankaasi.
Xildhibaan Maxamed C/laahi Xasan Fadhayo oo kamid ahaa xubnihi su‘aalaha weydiiyay Ra’iisul Wasaraha dalka oo la hadlay Idaacadda Risaala ee muqdisho ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaraha loo soo jeediyay talooyin ku aadan dhinaca amniga dalka.
Guddoonka baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa la filayaa in maalinimada Sabtida ah ee soo socota hadii uu Alle idmo ay shaaciyaan kulanka baarlamaanka natiijada su’aalo weydiintan labada cisho socotay.


