Mesut Ozil Oo Doonaya Inuu Xirto Numberka 10-aad ee Wilshere

Kubad sameeyaha qaranka Jarmalka iyo Arsenal Mesut Ozil ayaa wali quuldareynaya inuu xirto numberk 10-aad ee sida rahanka ah ugu yaala xirfadalaha cajiibka ah ee xulka qaranka England Jack Wilshere kaas oo dhaawac dartiis loogu heyn waayay Emirates.

Inkastoo uu ka shalaayay hadana Arsene Wenger ayaa amaah ku bixiyay Wilshere xagaagan, balse tan iyo markii uu ka dhaqaaqay Gunners, xidigii hore Real Madrid ayaa isha ku haya inuu xirto numberka 10-aad inkastoo uu haatan xiran yahay numberka 11-aad.

28-jirkaan heerka caalami ayaa farta laga saaray numberka 10-aad ee qaranka Jarmalka kadib markii uu ka fariistay ciyaaraha caalamiga ah Lukas Podolski, wuxuuna doonayaa si la mid ah qarankiisa inuu xirto numberka 10-aad.

“Tan iyo markii uu baxay Wilshere numberka wuxuu ahaa mid banaanka yaala, balse wali ma aanan helin” Ayuu yiri Ozil oo la hadlayay Kicker.

Dhanka kale Mesut Ozil ayaa wareysi ku bixiyay in arimaha heshiiskiisa ay kaliya ku xiran yahiin Arsene Wenger inkastoo aysan meesha ka marneyn inuu doonayo mushaar ilqabad leh.