DHAGEYSO:- Baarlamaanka oo kulan gaar ah la leh Ra’isal Wasaaraha

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Kulan ay Albaabadu u xiran yihiin waxaa Xarunta ay ku shiraan kula leeyihiin Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya.

Sidoo kale Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ah Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo sirdoonka Qaranka General tuur yare iyo qaar ka mid ah wasiirada soomaaliya.

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Cod u qaaday Saxaafadda in ay Goobjoog ka noqoto Kulanka iyo in kale, dood dheer ka dib gudoomiyaha baarlamaanka ayaa sheegay in cod loo qaadayo Saxaafada.

74 Xildhibaan ayaa ogolaaday in Saxaafada banaanka loo saaro, waxaana ka soo horjeestay in Saxaafada banaanka loo saaro 65, sidoo kalena waxaa ka aamusay 3 Xildhibaan.

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Cumar c/rashiid Cali sharmaake iyo Taliyaha Hay’adda Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka ayaa waxaa wax laga weydiinayaa xaalad amaan ee Dalka.

saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa in Warbaahinta loo soo bandhigo waxyaabaha ka soo baxa kulanka.