Muqdisho-RisaalaFM- Sida uu xaqiijiyay Sarkaal ka tirsan ciidanka Booliska Soomaaliyeed ilaa iyo Hadda 4 qof ayaa ku dhimatay tiro intaasi ka badana waa ay ku dhaawacmeen Qaraxyadii duhurnimadii maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Sarkaalka oo magaciisa lagu soo koobay Maxamed Axmed oo la hadlayay Wakaalada Wararka ee Routers ayaa sheegay in Qaraxyadu ay ahaayeen kuwo xoogan.
waxa uu sheegay Dhaawacyo badan in goobta laga qaaday, kadib Qaraxyada.
Sidoo kale waxaa uu xaqiijiyay in uu jiro burbur xoogan oo soo gaaray goobo ganacsi oo ka agdhawaa goobaha ay Qaraxyadu ka dhaceen.
War Shabaabka ay ku soo qoreen baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayay ku sheegteen Mas’uuliyada weerarkan.


