Beesha Caalamka ayaa sheegtay in ay walaac xoogan ay ka muujinayso go’aankii kasoo baxay Hogaamiyeyaasha Madasha Wadatashiga Qaran 24tii bishaan ee lagu kordhiyay Aqalka Sare 18 xubnood.
War kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa lagu sheegay in heshiisyadii ay horay u wada gaareen Madaxda Hogaamiyeyaasha Madasha Wadatashiga Qaran , Guddiga Madaxbanaan ee doorashooyinka aysan waafaqsaneyn in la kordhiyo xubnaha Aqalka Sare ee dalka.
Waxaa ay xustay Beesha Caalamka in go’aanka kordhinta xildhibaanada Aqalka Sare in uu yahay mid aan laga fakarin oo lagu deg degay.
Sidoo kale Warka kasoo baxay beesha Caalamka ayaa lagu sheegay in aysan Sharciga aheyn go’aankii Hogaamiyeyaasha Madasha ay ku fasaxeen Qaar ka mid ah 11 xubnood ee horay guddiga doorashooyinka ay horay u qaadaceen Natiijadii ay kusoo baxeen.
Sidoo kale Beesha Caalamka ayaa ku eedeeysay Hogaamiyeyaasha Madasha Wadatashiga Qaran in ay sharci daro tahay in la fasaxo 5 ka mid ah xildhibaanadii la qaadacay doorashadooda.
Ugu dambeytii Warka kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa loogu baaqay Baarlamaanka cusub in ay ku dadaalaan in doorashada Madaxweynaha aysan dhaafin Bisha Janaayo ee Sanadka 2017.


