Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa waxaa lagu eedeeyay in ay dad shacab ah ku dileen Gobolka Shabeelaha Hoose.
Lixdaan qof ayaa saarnaa Gaari Homey ah oo ka ambabaxay Degmada Qoryooley , islamarkaana Khudaar u siday Magaalada Baydhabo ayaa lagu dhuftay Baasuuge sida ay inoo sheegeen dadka degaanka.
Gudoomiyaha Magaalada Marko ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxaan ka wareysanay arrimahaasi.


