Gudoomiyaha degmada Banderbeyla ee gobolka Bari oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Maraakiib shisheeye ay dhibaato weyn ku hayaan Kalluumeysatada degmada Banderbeyla ee gobolka Bari.
Saciid Aadan Anteeno ayaa sheegay in Maraakiib shisheeye ay xaalufin ku hayaan xeebaha ay leedahay degmada.
Waxaa uu sheegay in ay burburiyeen goobihii ay ka kalluunmaysan jireen Bulshada kunool Banderbeyla.
Maamulka Puntland ayuu sheegay in uu ka gaabiyay waxkaqabashada Maraakiibta Shisheeye ee xaalufinta ku haaya degmada.


