Riyad Mahrez oo loo caleemo saaray cayaaryahanka Afrika ee BBC 2016

Taageerayaasha adduunka daafihiisa kala jooga ayaa u codeeyey cayaaryahanka khadka dhexe ee Al-Jeeriya iyo kooxdda Leicester Riyad Mahrez , isagoo ka guulaystay Pierre-Emerick Aubameyang, Andre Ayew, Sadio Mane & Yaya Toure.

Abaalmarintan ayaa ka dhigan sannadkan xusuusta gaarka u leh 25 jirkan, kaasi oo mar horeba ku guulaystay darajadda laacibka horyaalka kubadda cagta Ingiriiskaee Premier Leauge-ga ee sannadka, isagoo ay u codeeyeen xirriirka cayaartoydda xirfadlayaasha ah.

Mahrez ayaa la aqoonsaday hannaan cayaareedkiisa wanaagsan ee mucjisadda garabka,kaasi oo ay qoyskiisa ka yimaadeen magaaladda yar ee El-Khemis ee Al-Jeeriya, wuxuuna ku noqday Premier League duufaan.

Wuxuu ahaa xooggii waday kooxdda Leicester City ee sida lama filaanka ah ku ugu guulaystay horyaalka, isagoo dhaliyey 17 gool isla markaana 11 gool inay dhaliyaan ku caawiyey kooxdda Dawacooyinka ee sida aan la filayn uga guulaystay saadaalintii ahayd 5000-1 inay koobka qaadaan bilowgii xilli cayaareedka.