Qandala-RisaalaFM- Warar ka imaanaya duleedka Degmada Qandala ee Gobolka Bari ee Puntland ayaa sheegaya in maanta xaaladdu dagan tahay, kadib dagaallo goos goos ah oo dhexmaray Ciidamada Puntland iyo maleeshiyada Daacish.
Ciidamada Puntland ayaa maanta la sheegay inay qabsadeen goob fadhiisin u ahayd maleeshiyada Daacish, sida ay sheegeen Dad goobjoogayaal ah.
Wararka ayaa sheegay in dagaalka uu iminka joogsaday, kadib muddo kooban oo uu socday, Waxaan weli caddeyn khasaaraha ka dhashay dagaalka.
Ciidamada Puntland ayaa ku howlan sidii ay u furi lahaayeen waddooyin dhagaxaan iyo miinooyin lagu jaray.
Maalintii 10-aad ayaa Degaanka isgaarsiintu ka go’antahay, marka laga reebo taleefoonada tooreeyaha oo ay Ciidamada Puntland isticmaallayaan.


