DEG DEG: Dil ka dhacay Muqdisho

Muqdisho-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi lagu dilay Nabadoon caan ka ah Magaalada Muqdisho.

Dilka Nabadoonka ayaa la sheegay in ay ka dambeeyeen kooxo hubeysan oo watay mid ka mid ah Gawaarida raaxada ah, waxaana nabadoonka lala dilay Oday kale oo xilligaasi la joogay.

Nabadoonka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray C/laahi Axmed Rooble (Safaari), waxaana kooxihii dilka geystay ay ka baxsaadeen goobta uu falka ka dhacay.

Ciidanka Amaanka ayaa gaaray goobta uu ka dhacay dilka, waxaana ay halkaasi ka sameeyeen baaritaano ku aadan sida uu dilka u dhacay.

Maalmihii u dambeeyay Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacayay dilal qorsheysan, kuwaas oo lala beegsanayay Odayaasha Dhaqanka ee soo xulaya Baarlamaanka soo socda.