DHAGEYSO: Xiisad ka taagan degaanka Goofgaduud

Ciidanka Xoogga dalka oo ay wehlinayan Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika, ayaa waxa ay shalay  isaga soo baxeen Deegaanka Goofgaduud, oo 30-KM u jira Magaalada Baydhabo.

Labada ciidan oo wata gaadiidka gaashaaman ee dagaalka, ayaa soo galay Magaalada Baydhabo, ka dib markii ay ka soo guureen fariisimahoodii Deegaanka Goofgaduud.

Korneel C/laahi Sheekh Maxamed Baabu-raxmaan oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay Ciidanka Dowladda iyo kuwa AMISOM ay saaka ku wajahan yihiin deegaanka Goof-Gaduud , islamarkaan  saacadaha soo socda ay gaari doonaan.

Ciidanka Al-Shabaab ayaa la sheegaya in ay ku dhow yihiin deegaanka Goof Gaduud , madaam ay isaga baxeen ciidanka dowladda Soomaaliya.

Dhawaan dagaal culus oo ka dhacay deegaanka Goof Gaduud ayaa waxa gacanta ku dhigay Al-Shabaab , ka dib abaabul ay sameeyaan ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa suurta geliyay in ay isaga baxaan Al-Shabaab.