Sanaag-RisaalaFM- Iyadoo Abaaro aad u xoogan ay ka jiraan Deegaano ka tirsan Gobolka Sanaag ayaa Maamulka Soomaaliland wuxuu sheegay in uu wax ka qabanayo Abaaraha ka jira Gobolkaasi.
Wasiirka Warfaafinta Maamulka Soomaaliland Cusmaan C/laahi Saxardiid (Cadaani) oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay Maamulka Soomaaliland in uu ku dadaalayo sidii uu u garab istaagi lahaa dadka ay abaaraha ku saameeyeen Gobolka Sanaag.
Wuxuu sheegay gar gaar laga diray Magaalada Hargeysa in hada la gaarsiiyay Gobolka Sanaag, si dadka halkaasi ku nool loogu qeybiyo.
Dadka ku nool Gobolka Sanaag ayaa horey codsi ugu jeediyay maamulada kala duwan ee dalka ka jira iyo Beesha Caalamka, iyagoo ka codsaday in gar gaar deg deg ah lala soo gaaro.


