Jowhar-RisaalaFM- Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe waxaa maanta gaaray saraakiil ka socota Ciidamada Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.
Wafdigan waxaa hogaminyay Taliyaha Guud ee Ciidanka AMISOM Gen. Cusmaan Nuur Subagle, waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) iyo Goddoomiyaha cusub ee Baarlmaanka Hirshabeelle Sheekh Cusmaan Barre Maxamed.
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay qaabka uu u socdo shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha oo meel gaba gabo ah maraya iyo sidoo kale Amniga guud ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Ujeedka wafdigan ayaa lagu sheegay u kuur gelidda xaalada goobaha ay ka dhacayso Doorashada Xidhibaanada Labada Aqal ee Dowladda u matalaya Hirshabeelle iyo sidoo kale arrimaha nabad gelyada Hay’adaha kala duwan ee Amaanka Gobolka Shabeelaha Dhexe.






