Kooxaha ka dhisan MLS iyo Shiinaha ayaa sugaya sidii ay ku heli lahaayeen kabtanka keydka ka fadhiya Reds iyo England Rooney kaasoo ka qaata Old Trafford isbuuciiba £ 300,000.
Sidaas daraaddeed, United ayaa ka fakireysa sidii ay ku xalin laheyd dhibaatada Wayne Rooney heysata maanta si meesha looga saaro dhaqaalaha faraha badan ee mushaarka uu u qaato.
United ayaa qasaarin doonta £ 26million, iyadoo isku diyaarineysa inay meesha ka saarto 20 bilood ee ka hartay qandaraaskiiska qaaliga ah ee ciyaaryahanka.
Tababaraha cusub ee United Jose Mourinho ayaa sameeyay go’aan geesinimo ah oo ay ka baqeen macalimiintii ka horeysay ee David Moyes iyo Louis van Gaal kuwaasoo Rooney fariisin waayay kursiga keydka, iyadoo tababaraha ku meel gaarka ah ee England Gareth Southgate uu isna shaxdiisa ka saaray kabtanka.
12 sano ee la soo dhaafay, Rooney ayaa inta badan lama taabtaan ka ahaa kooxdiisa iyo wadankiisa, waxaana uu damaanad qaad u heystay booskiisa joogtada ah.
Laakiinse waxaa isaga qab ciyaareed xun uu ku dhacay labadii xili ciyaaareed ee lasoo dhaafay, taasoo keentay in ay ka fakirto Manchester United sidii ay meesha kaga saari laheyd mushaarka £ 300,000 ee isbuuclaha ah.


