DHAGEYSO: Faah faahin shil Gaari oo ka dhacay Kaxda

Muqdisho-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Degmada kaxda ee Gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay shil Gaari oo geystay khasaare dhaawac ah, kadib markii Gaari ka yimid Afgooye uu ku gudoomay Waaxda Saddexaad ee Degmada Kaxda.

Gaarigan oo ahaa nuuca xamuulka ah ayaa la sheegay in ay saarnaayeen in ka badan 20 Qof, waxaana ku dhaawacantay 20 Qof sida ay Risaala u sheegeen Maamulka Degmada.

Dadkii ku dhaawacmay shilkan ayaa waxaa loola soo cararay Isbitaalada ku yaalla Magaalada Muqdisho, waxaana qaar ka mid ah Dadkaasi xaaladooda ay tahay mid aad u liidata.

Gudoomiyaha Waaxda Saddexaada ee Degmada Kaxda Zakariye C/laahi Cilmi oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in shilkan uu ahaa mid geystay khasaare fara badan oo dhaawac, inkastoo aysan jirin dhimasho.