Nin hubeysan ayaa xalay rasaas ku furay suuq ay dad badan ku sugnaayeen oo ku yaalla Magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Rasaasta uu furay Ninka hubeysan ayaa waxaa ku dhimatay 2 Qof halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 3 kale, sida Risaala uu u sheegay Taliyaha Ciidanka Booliska Magaalada Beledweyne.
Dad goobjoogayal ah ayaa Idaacadda Risaala u sheegay weerarka lagu qaaday dadkan in uu la xiriiro aanooyin Qabiil.
Taliyaha Ciidanka Booliska Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan Cali Dhuux Mahad Alle ayaa sheegay in ay wadaan baaritaano ku aadan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa Ninkii geystay falkan.


