Wararkii ugu dambeeyay ee Dagaalka ka socda Gaalkacyo “Sawiro”

Gaalkacyo-RisaalaFM- Wararkii ugu dambeeyay ee aynu ka heleyno Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in Dagaalka weli uu halkaasi ka socdo.

Dagaalkan ka socda Magaalada Gaalkacyo ayaa waxa uu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, sida ay Risaala u sheegeen Dadka Deegaanka.

Dadkii ku dhaawacmay Dagaalka ka socda Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa loola cararay isbitaalada ku yaalla Magaalada Gaalkacyo.

Warar madax banaan ayaa sheegaya  Dagaalka u dhaxeeya labada Maamul ee Puntland iyo Galmudug in ay isku adeegsanayaan Hubka nuucyadiisa kala duwan, sidoo kalena dadka halkaasi degan ay sameynayaan barakac.

Weli ma jirto cid ka hadashay Dagaalka u dhaxeeya Maamulada Puntland iyo Galmudug ee saakay ka Qarxay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

1w 2w 3w 4w 5w 6w 3w