Sh/Dhexe-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan kolonyo ka tirsan Ciidanka AMISOM in Qarax khasaare geystay lagula eegtay Deegaanka Kulan oo Qiyaastii 15-KM ujira Degmada Mahahaady.
Qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaa Miinada Nuuca dhulka lagu Aaso, waxaana uu qabsaday mid ka mid ah kolonyada ay la socdeen Ciidanka AMISOM.
Warar madax banaan ayaa sheegaya Qaraxa kadib Ciidanka AMISOM in ay fureen Rasaas ay ku dhaawacmeen dad shacab ah.
War Shabaab ay ku soo qoreen Baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayay ku sheegteen Mas’uuliyada weerarkan Qaraxa ah, waxaana ay sheegeen in khasaare kala duwan Ciidanka AMISOM ay ku gaarsiiyeen Qaraxan.


