Gudoomiyaha magaalada Gaalkacyo Xirsi Yuusuf Barre oo la hadlay idaacadda Risaala ayaa sheegay in diyaarado oo ay leeyihiin ciidanka Puntland iyo dowladda Mareykanka ay duqeeyeen dad xoolo dhaqato ah oo ku sugnaa Bariga gobolka Mudug.
Gudoomiyaha oo la hadlay idaacadda Risaala asagoo ku sugan deegaanka Jeexdin ayaa sheegay in lagu soo duulay dad xoolo dhaqato ah oo kasoo jeeda deegaanka Galmudug , islamarkaana la dhibaateeyay.
Warbaahinta Qaar ayaa saaka tabiyay in maleeshiyaad kasoo kala jeeda deegaanka Galmudug iyo Puntland ay ku dagaalameen Bariga gobolka Mudug.
Geerida 10 qof ayuu xaqiijiiyay gudoomiyaha magaalada Gaalkacyo.
Gudoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in maamulka Galmudug ay ka jawaabi doonaan duqeynta loo geystay dadka xoolo dhaqatada ah ee kasoo jeeda Galmudug.


