Dagaal ka socda magaalada Xaleb

Ciidanka dowladda Suuriya iyo xooggaga mucaaradka ah ayaa ku dagaallamaya deegaan ku yaalla waqooyiga magaalada Xaleb.

Gacan ku haynta degmada Handarat ayaa waxa loolan adag ugu jira dhinacyada ku dagaallamaya Xaleb.

Ciidanka Bashar al-Assad ayaa doonaya in ay qabsadaan degmadaasi waqooyiga uga beegan Xaleb, si ay u adkeeyaan gacan ku hayntooda deegaankaasi.

Haddii ay taasi ku guuleystaan, waxa ay dhabaha u furi kartaa duulaanka ay damacsan yihiin in ay ku xoreysaan guud ahaan Xaleb.

Diyaaradaha dagaalka ayaa maalintii shannaad duqeyn ka wada degmadaasi, waxaana kooxaha u ololeeya xuquuqda aadanaha ay sheegayaan in dad badan ay ku hoos jiraan burburka dhismooyinka halkaasi ku dumay.

Cisbitaallada ayaa buux dhaafay, waxaan kooxda gurmadka ee Koofiyadaha Cad ay sheegaya in ay la daalaadhacayaan sidii ay dhaawaca ku badbaadin lahaayeen, maadaama qudhooda lala beegsaday duqeynta.

Dhanka kale, duqeymaha ay bariga Xaleb ka geysanayaan diyaaradaha Suuriya iyo kuwa Ruushka ayaa gebi ahaanba burburiyay xarunta biyaha siisa bariga Xaleb, taasii ay ku tiirsan yihiin rubuc milyan qof.