Dib u dhac ku yimid doorashada Xubnaha Aqalka Sare

Warar ay heshay Idaacadda Risaala ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dib u dhac uu ku yimid xubnaha aqalka Sare oo lagu waday in lagu dhawaaqo maanta.

Guddiga doorashooyinka dadban wali kama hadlin arintaan , waxaana la sheegaya in ay jiraan sabababo badan oo geenay in uu dib u dhaco doorashada xubnaha Aqalka Sare.

Sida uu qorshuhu ahaa waxaa lagu waday in lagu dhawaaqo xubnaha Aqalka Sare  25-ka Bisha September ee sanadkaan , waxaana la sheegaya in taasi aysan suurta gal ahayn oo uu dib u dhac ku yimid soo xulista iyo sidoo kale doorashada xubnaha Aqalka sare.

Caqabada ugu badan ayaa la sheegaya in ay ka taagan yihiin dhanka dhaqaalaha iyo sidoo kale xubnaha Aqalka sare ee ka imaanaya gobolada Hiiraan iyo sidoo kale Shabeelaha Dhexe.