DHAGEYSO: Banaanbaxyada Muqdisho lagu qabto oo la mamnuucay

Muqdisho-RisaalaFM- Maamulka Gobolka Banaadir ayaa mamnuucay in Banaanbaxyada aysan ogeyn in lagu qabto Magaalada Muqdisho ka dib Kulan ay Maanta yeesheen Masuuliyiinta Gobolka Banaadir.

Sidoo kale Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in aysan aqbali doonin in Magaalada Muqdisho lagu qabto Banaanbax aan lagu soo wargelin.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane ayaa sheegay in Gudoomiye walbo lagula Xisaabtamayo hadii Degmadiisa lagu qabto Banaanbax uusan Gobolka Banaadir ogeyn.

Waxa uu sheegay in cid walbo oo Banaanbax dhiganeysa in ay ku so wargeliyaan islamarkaana fasax ka qaataan Maamulka Gobolka Banaadir.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane ayaa sidoo kale sheegay in Maanta dood dheer laga yeeshay Fasaxyada Hoteelada iyo dadka doonaya in ay Barnaamijyada ku qabsadaan Hotelada Muqdisho.