Faah faahin Dagaal ka dhacay Gedo

Gedo-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Gobolka Gedo gaar ahaah Duleedka Degmada Ceel-waaq ayaa waxa ay sheegayaan Dagaal u dhaxeeyay Ciidanka Dowladda iyo Dagaalyahano ka tirsan Shabaab in uu halkaasi ka dhacay.

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii Dagaalyahano ka tirsan ururka Al-shabaab ay weerar ku qaadeen fariisimo Ciidanka Dowladda ay ku leeyihin halkaasi.

Dadka Deegaanka ayaa Risaala u sheegay in Dagaalka uu qaatay mudo saacado ah, sidoo kalena uu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn.

Xaalad cabsi ah ayaa caawa  ka jirta Deegaanka ay ku dagaalameen Ciidanka Dowladda iyo Dagaalyanada Al-shabaab.

Warar madax banaan ayaa sheegaya in Dagaalyahanada Shabaab ee weerarka soo qaaday ay gacanta ku dhigeen goobihii lagu dagaalamay, sidoo kalena Shabaab ay goob fagaare ah kula hadleen Dadka Deegaanka.