Sh/Hoose-RisaalaFM- Howlgal qorsheeysan oo ay wadajir u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo AMISOM ayaa lagu dilay Sarkaalkii Al-shabaab ee Degmada Aw-dheegle ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Howlgalkan oo habeenkii Arbacadii aheyd ka dhacay Degmada Aw-dheegle ayay Ciidanka Dowladda ugu suura gashay in weerar Qorsheysan ay ku dilaan Maxamed Xasan oo ahaa sarkaalkii Shabaab ugu qaabilsanaa Degmada Aw-dheegle, iyagoo sidoo kale soo furtay hub iyo sahnad ciidan oo ay lahaayeen Dagaalyahanada Shabaab.
Jeo Kibet oo ah Afhayeenka Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM, ayaa sheegay in Howlgalkaasi oo xalay dhacay lagu dilay Sarkaalkii Al-shabaab ugu qaabilsanaa Degmada Aw-dheegle Maxamed Xasan.
Ciidanka Dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa weli faah faahin dheeraad ah ka bixin Howlgalka ka dhacay Degmada Aw-dheegle iyo in khasaare dhankooda uu ka soo gaaray.
Al-shabaab ayaa waxa ay ku sugan yihiin Deegaano iyo Degmooyin ka tirsan Shabeelaha Hoose, iyagoo dhowr jeer oo hore halkaasi kula dagaalamay Ciiidanka Dowladda iyo kuwa AMISOM.


