Wararkii ugu dambeeyay ee Deegaanka Moqokori

Moqokori-RisaalaFM- Iyadoo Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ay shalay gelinkii hore isaga baxeen Deegaanka Moqokori ee Gobolka Hiiraan, ayaa waxaa soo baxaya warar dheeraad ah.

Warar madax banaan ayaa sheegaya in Ciidanka Dowladda iyo kuwa Itoobiya ay si toos ah uga bixin Deegaanka balse ay isbedel oo kaliya ay sameynayaan, waxaana gabi ahaanb ay ka tageen fariisimihii ay ku lahaayeen Deegaankaasi.

Dagaalyahano ka tirsan Shabaab ayaa shalay gelinkii dambe waxa ay la wareegeen Deegaanka Moqokori ee Gobolka Hiiraan Wararkii ugu dambeeyay ee saakay inaga soo gaaraya Deegaanka Moqokori ee Gobolka Hiiraan, kuwaas oo horey u joogay Duleedka Deegaanka.

Dadka Deegaanka ayaa sheegaya in Deegaanka Moqokori ay saakay ka jirto cabsi badan maadaama laga yaabo in uu dhaco Dagaal u dhaxeeya labada dhinac.

Saraakiish Ciidanka Dowladda Soomaaliya ee Gobolka Hiiraan weli kama aysan hadlin la wareegitaan Shabaab ay la wareegeen Deegaankaasi.

War Al-shabaab ay ku soo qoreen baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayay ku sheegteen in si nabad gelyo ah ay kula wareegeen Deegaankaas, oo goob fagaare ah ay dadweynaha Deegaankaasi kula hadleen.