DHAGEYSO: Madaxaweynaha Koonfur Galbeed oo ka hadlay Shirka Madasha Qaran

Baydhabo-RisaalaFM- Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo maanta dib ugu laabtay Magaalada Baydhabo ayaa ka hadlay shirka Madasha Wadatashiga Hoggaamiyeyaasha Qaran ee weli ka socda Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa sheegay in la isku fahmay Qodobada qaar oo la isku mari la’sanaa, isagoo sidoo kale sheegay in shirka Madasha Wadatashiga Hoggaamiyeyaasha Qaran ee weli ka socda Magaalada Muqdisho uu ku dhow yahay gabo gabo.

Wuxuu sheegay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan in ay rajeynayaan Doorashada waqtigii loogu tala galay in ay ku dhacdo oo aysan dhaafin 30-ka October.

Madaxweynaha Maamulka koonfur Galbeed ayaa sidoo kale shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan Geedi socodka iyo Nabada.

Maanta ayay aheyd markii Madaxweynaha Maamulka jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed madoobe) uu isaga baxay shirka Madasha Wadatashiga Hoggaamiyeyaasha Qaran, isagoo dib ugu laabtay Magaalada kismaayo.