Maamulka Puntland ayaa amray in baaritaan lagu sameeyo dhammaan Gawaarida iska gudba deegaanada maamulka Puntland.
Wareegto kasoo baxday Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdulaahi Cumar (Camay) ayaa lagu sheegay in ay haboon tahay in guud ahaanba la baaro Gawaarida isticmaala deegaanada maamulka Puntland.
Puntland ayaa tallaabadan ku tilmaantay in ay tahay mid la doonayay sidii baaritaano loogu sameyn lahaa Gaadiidka rakaab ah ee isaga kala gudbaya dhammaan deegaanadeeda.



